SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada, Musharrixiin & Xildhibaano gaaray Afisiyooni

Waxaa goordhow ka bilaaban doonta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan ilaa dhowr musharrax.
Qaar kamid ah Xildhibaannada labada Aqal iyo Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa ku sugan hoolka doorashada, waxaana la filayaa in sidoo kale ay halkaasi tagaan Musharrixiin uu kamid yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.
Ilaa 35 Musharrax ayaa u diiwaangashay inay ku tartaman doorashada Madaxweynaha, waxaana Maanta siwyen loo adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho, iyada oo hakad la geliyay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga intaba.