Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Gudoomiyaha golaha Shacabka

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Kulankaan oo ahaa salaan iyo is marxabeen ayaa waxa ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka oo maraya heer gabo gabo ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa gudoomiyaha golaha Shacabka ka dalbaday dardargalinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waddo in ay dalka ka dhacdo 15-ka bishaan.