Imaaraadka oo cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ee degaanka Ceelbaraf

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa si kulul u cambaareeysay Weerarkii lagu beegsaday Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka ayaa lagu caddeeyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalka dambiyada ah, iyo noocyada rabshadaha argagixisada ee looga golleeyahay in lagu khalkhal geliyo ammaanka iyo xasilloonida, taasoo ka soo horjeeda qiyaamka iyo mabaadi’da bani’aadamnimada.

” Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro amniga iyo xasilloonida dalka ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi iyo qoysaska dhibanayaasha ah ee ka soo gaaray weerarkaas, iyada oo u rajeysay kuwii ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaanka Ceelbaraf ayaa waxaa ku dhintay Askar farabadan oo u dhalatay dalka Burundi, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay dileen inka bafan 170 Askari.