Ciidanka Kumandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyey tuulada buulo Caliyow Cismaan oo 5km u jirta degaanka Caliyow Barow oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha DANAB ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsana miinooyinka kaas oo qorsheeynayay miinooyin lagu dhibaateeynayay dadka Shacabka ah, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Jaabir sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad Kumandooska Danab Dhame Maxamed Cabduqadir Cali.
Sidoo kale Saraakiishu waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Inta badan degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay ka sameeyaan howlgallo kala duwan, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulma Al-Shabaab.



