22-kii Bishii Octobeer ee sanadkii 2021 ayay Al-Shabaab qaraxyo miino ku burburiyeen Xarunta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya, waxaana lix bilood kadib Maamulka Jubbaland uu amray in la dhiso Xaruntaas.
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Ibraahim Guuleed Aadan ayaa sheegay in weli aysan helin Xarunta degmada wax dhismo ah kadib markii Al-Shabaab ay qarax ku burburiyeen, isla markaana ay ka cabsi qabaan inay kusoo dhuuntaan Al-Shabaab si ay u waxyeeleeyaan Xarumaha kale ee Maamulka.
Madaxweyne kuxigeenka 1aad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Maanta booqday burburka ka muuqda Xarunta degmada Ceelwaaq ayaa amray in dib loo dhiso, wuxuuna mas’uuliyiinta Maamulka uu ka codsaday inay soo qiimeeyaan lacagaha ku baxaya dhismaheeda
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka 1aad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa laamaha Amniga degmada Ceelwaaq uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan sugida amniga, iyada oo ay heystaan duruufo kala duwan.
Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu qabtay doorashada 16 kursi oo degaan doorashadoodu tahay Gobolka Gedo, waxaana degmadaaas mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab



