Puntland oo Guddi baaris u saartay weerarkii lagu qaaday Guri uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee dhawaan sheegay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi baaris ku sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhacdadaas ayaa waxaa ay aheyd mid Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ay ku weerareen Hoyga Nabadoon Yaasiin Cabdisamad xilli habene ah, halkaas oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse, waxaana ku dhaawacmay Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad & Taliye kuxigeenka qyebta Booliska ee Gobolka Mudug.

Guddiga uu dhacadaas u saaray Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo gaaraya ilaa lix Xubnood ayaa ka kooban Golaha Wasiirada Puntland, laamaha Amniga & Xer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye

2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).

3: Xil Axmed Jaamac Warsame. (Xildhibaan Puntland).

4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).

5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)

6: Asad Faarax Maxamed.  (Xoghayn)