RW Rooble oo Amray Wakiilka Midowga Afrika in 48 Saac uga baxo Somalia

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin kuna lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika.

Qoraal gaar ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliha waxaa lagu faray in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.

” Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa sharaf u ah in uu ogeysiiso guddiga Midowga Afrika in
Wakiilkooda Somalia ee Ambassador Francisco Madeira uu ku dhaqaaqay falal aan ku haboonayn meeqaamkiisa isagoo wakiil ka ah Guddiga Midowga Afrika, waxaana Dowladda Soomaaliya ka codsanaysaa Guddiga Midowga Afrika inay dib ugu yeeraan Ambassador Francisco Madeira uuna adeeco codsigan ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee (ATMIS), iyada oo la rajeeyay in lala Shaqeyn doono madaxa howlgalka cusub.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sirasmi ah uma shaacin waxyaabaha lagu heysto Wakiilka Midowga Afrika, iyada oo jawaab laga sugayo Guddiga Midowga Afrika ee Maamula Ciidamada AMISOM.