Fahad Yaasiin oo laga reebay Liiska Xildhibaanada golaha Shacabka

Liiska Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ayaa lashaaciyey xubnaha ka maqan waxaa kamid ah Fahad Yaasiin Xaaji iyo 3 xubnood oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Afarta kursi ayaa horay waxaa u joojiyay doorashadooda Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal balse waxaa diiday maamulada qaar.

Liiska Guddiga shaaciyay waxaa ku qoran 299 qof oo ka kooban labada Aqal.

Guddiga ayaa ugu baaqay xubnaha magacyadooda la shaaciyay in ay soo xaadiraan Muqdisho si loo siiyo shahaadooyinka rasmiga ah ee Xildhibaanimo.

Tirada la shaaciyay 54 kamid ah waa Aqalka Sare, 245 xubnood waa Aqalka Hoose, waxaa dhiman 26 xubnood oo aan wali doorashadooda dhicin, halka 4 xubnood oo doorashadooda dhacday natiijadooda la diiday.