Dowladda Somalia & Mareykanka oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka uqaabilsan Soomaaliya Amb. LARRY ANDRÉ.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa Safiirka ugu hambalyeeyay shaqadiisa cusub, waxa uuna uga mahadceliyay Taageeradda Dowladda Mareykanka ee hanaanka dib u dhiska geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagay kaalinta Dowladda Mareykanka ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , isagoo adkeeyay in la dagaalanka Al-Shabaab uu yahay dagaal caalami ah oo ubaahan in la iska kaashado.

Dhanka kale Amb. LARRY ayaa Wasiirka ku amaanay fahamkiisa sare ee la xiriira kooxaha Argagixisada sida loo soo afjari karo, Waxa uuna adkeeyay in Dowladda Mareykanka ay sare uqaadi doonto Taageeraddeeda Ku aadan Dowlad dhiska iyo ladagaalanka Al-Shabaab.