Dowladda Qatar oo cambaareysay qarixii ka dhacay Beledweyne

Dowladda Qatar oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Maqaayad kutaalla Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar loogana hadlayay qaraxa ayaa lagu yiri”

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celineysw mowqifka adag ee Qatar diidmada rabshadaha iyo argagixisanimada. Intaa waxaa dheer, Wasaaraddu waxay muujinaysaa tacsida ay u dirayso qoysaska dhibanayaasha, dawladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas soo kabasho deg deg ah

in ka badan 13 Ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, waxaana dadka ku dhintay ay isugu jiraan mas’uuliyiin iyo Shacab.