Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland Cabdiriaaaq Cali Siciid Shaahdoon ayaa marka hore ka tacsiyeeyay Nabadoonadii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka halka uu alle uga baryey in uu Caafiyo inta ku dhaawacantay.
Guddoomiyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay wuxuu sheegay in Bulshada kunool Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan xoojinta Amniga iyo lashaqeynta laamaha Amniga si loo helo Nabad buuxda.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in laamaha amniga ay adkeeynayaan sugida Amniga Magaalada Boosaaso sidoo kalena laga sugayo baaritaanka ay ku hayaan qarixii shalay iyo halka laga soo abaabulay.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka, waxanaa qarixii ka dhacay ku dhintay Saddex Nabaddoon oo wax ka waday howlaha doorashooyinka ee socda.



