Kadib dagaal la sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uu ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Siyaasiga Cabsiraxmaan Cabdishakuur & Cabdullaahi Kulane oo kamid ah Saraakiisha oo labaduba u sharraxan kuraas Xildhibaan ayaa waxaa ka hadlay Booliska Magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid degan kadib dagaalkii ka dhacay, isla markaana Ciidamada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.
Taliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay wuxii sheegay in dagaalka uu salka ku haayay rag kamid ah Ciidamada oo taleefoono kala qaaday, hayeeshee ma shaacin khasaaraha dhimasho & midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamadii labada dhinac ee dagaalamay ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana Askartii dambi yeelata Maxkamad ay u gudbin doonaan.
Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu u digay musharrixiinta Golaha Shacabka ee Ciidamada faraga badan halkaasi la tefay, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la khalqal geliyo niga Caasimadda Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda waxaa ku sugan musharrixiin farabadan oo Golaha Shacabka ah, waxaana mid kasta uu wataa Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana siweyn looga dareemaya Magaalada.



