Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay qeybtii koobaad 13 kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Ee taalla Magaalada Beledweyne ee ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Kuraasta la shaaciyay qaarkood ayaa waxaa kujira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku leh Maamulka Hir-Shabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana 13 kursi ee doorashadooda dhawaan lagu qabanayo Beledweyne ay kala yihiin.
1: Hop#003 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.
2: Hop#006 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Axmed
3: Hop#008 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Dr Xuseen Cabdi Cilmi.
4: Hop#015 oo ay ku fadhiso Xiis Xasan Aadan.
5: Hop#022 oo uu ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi.
6: Hop#031 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid ).
7: Hop#032 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar.
8: Hop#068 oo ay hadda ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim.
9: Hop#074 oo uu ku fadhiyo Cabdullaahi Colaad Rooble oo mar soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.
10:Hop#086 oo uu ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxana kursiga doorashadiisa ay tahay mid xasaasi ah, iyada oo uu u sharraxan yahay la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
11:Hop#109 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.
12:Hop#252 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Cabdicasiis Saalax Armaan.
13: Hop#274 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.
13- kursi oo guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle shaaciyeen ayaa noqonaya kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda lagu qabamayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.



