Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fogfog laga hago ayaa Kolonyo kamid ah Ciidamada Kenya waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gaadiidka Ciidamada ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxay deegaanka Milimani kuna sii jeeday deegaanka Mangay ee magaalada Laamuu, waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday Gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamada Kenya.

Wararka la helay ayaa sheegay in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar Kenyan ah oo Gaariga la qarxiyay saarnaa, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamada Kenya.

Saraakiisha laamaha Amniga Kenya ee  Gobolka Waqooyi Bari weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa, balse Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 15 kamid ah Askarta Kenya.

Degaannada hoostaga Magaalooyinka lamu iyo Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusii kordhay qaraxyada lala beegsanayo Ciidamada Kenya, iyada oo ay jiraan howlgallo ay fulinayaan Ciidamada Kenya.