Dhageysiga dacwadda kuraasta HOP201, HOP209, & HOP211 oo billaabatay

Waxaa Xarunta Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee Heer Federaal Maanta ka qabsoomay wajiga Koowaad ee dhageysiga dacwadda kuraasta HOP201, HOP209, iyo HOP211, kuwaas oo doorashadooda lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kuraastaan oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka ay hakiyeen ku dhawaaqista Nagiijadooda, waxaana ku kala guuleystay, HOP201 Cabdullaahi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Beyle,  HOP209 Dr Maxamed Xuseen Haadi iyo HOP2011 oo markale loo doortay Caasha Koos Maxamuud Cumar.

Dhageysiga Dacwadda qeybteeda kowaad ayaa waxaa ka qeybgalay Koorjoogto, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee xulay ergada, musharaxa dacwadda soo gudbisatay iyo xubno ka mid ah Beesha kuraastaas lagu matalo.

Xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa ay sheegeen in Baaritaanada ay sii socon doonaan inta laga helayo xog dhameystiran, isla markaana natiijada go’aan ka gaarista kuraastaan laga sugayo muddo todobaad gudahood ah.