Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa xarunta guddiga doorashooyinka ku qaabilay saraakiil uu hogaaminayey Taliyaha ciidamada Booliiska qaybta Gobolka Jubada hoose Sadiiq Mohamuud Dhogor iyo saraakiil kasocotay Booliiska AMISOM, kuwaas oo qayb ka ah sugida amaanka goobta doorashada.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed iyo Booliska Jubbaland iyo kan AMISOM ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen dardar gelinta goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Jubbada Hoose & kuwa AMISOM sida ay guddiga ula Shaqeeynayaan, isaga oo rajo ka muujiyay inay si wanaagsan ugu dhamaato doorashada.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa qorsheynaya in 28 Bishaan oo ku beegan Talaadada in ay qabtaan doorashada lixda kursi ee ugu horreeyaa Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadiidu tahay degaannada Jubbaland.



