Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo bilaabay diiwaangelinta Ergada doorashada

Waxaa Maanta Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta iyo Ergada dooraneysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ilaa 101 Ergo ah ayaa loo diiwaangeliyay kursiga hop262 oo ay hadda ku fashido Fowsiyo Xaaji Aadan oo ah sidoo kale musharrax Madaxweyne si weeyna u dhaliisha dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horay uma jirin kuraastii Golaha Shacabka ee la doortay Ergo la Diiwaangeliyay, balse cabasho ka timid mucaaraska & musharrixiinta kuraasta qaarkood ay keentay in la diiwaangeliyo Ergada wax dooraneysa, waxaana ay kamid tahay hanaanka lagu saxayo qaladaadka doorashada.

Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa la filayaa inay sii wadaan diiwaangelinta musharrixiinta iyo Ergada wax dooraneysa, iyaga oo soo geba-gabeyn doona 16-ka Bishaan.