Dadka Kismaayo oo looga digay inay Garsoor u doontaan Al-Shabaab

 

GUDDOOMIYAHA MAGAALADA KISMAAYO

Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo ahna duqa degmada Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo maalmo ka hor la Magacaabay ayaa bulshada Magaalada Kismaayo uga digay inay la macaamilaan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in aysan jirin karin cid garsoor u doonan karta Maxkamadaha ay maamulaan Ururka Al-Shabaab, ciddii lagu helaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu Maamulkiisa diirada saari doono arrimaha Amniga Magaalada Kismaayo iyo degaannada hoostaga, wuxuuna Bulshada ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga ee Magaalada Kismaayo.

Hay’adaha Amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay shacabka uga digeen inay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab, balse aysan jirin weli dad loo xiray inay garsoor u doonteen Al-Sbabaab.