SAWIRO:- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo tababar ka furay Gaalkacyo

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka daahfuray qeybtii 2-aad ee Tababarka ku saabsan Xorriyadda Saxaafadda iyo Badaqabka Suxufiyiinta

Tababarkan ayaa waxaa  ka faa’iideysanaya 25 suxufi oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ka kala yimid degaannada Galmudug iyo Puntland.

Tababarkan oo magaalada Gaalkacyo ka socon doona Saddex maalmood waxaa iska kaashanaya Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Dowladda Canada ,wuxuuna qorshaha SJS yahay in tababarkan la gaarsiiyo qaar kamid ah gobolada dalka si ay ugu faa’iideystaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Tababarkan waxaa daahfuray Xoghayaha guud ee SJS , Abdalle Ahmed Mumin iyo Wasiirka Warfaafinta Galmudug ,Axmed Shire Falagle.