Saddex kamid ah Xulka Qaranka Masar oo ka baaqan doona Ciyaarta Xulalka Angola iyo Gabon

Ilaa haatan saddex Ciyaartooy oo Masaari ah ayaa la xaqiijiyey inaysan ka mid noqon doonin ciyaarta ay Xulkooda Qaranka la yeelan doonaan dhigooda Angola iyo Gabon bilowga bisha soo socota.

Laacibkii hore ee Xulka K/Cagta Masar,  Axmed Xasan Miido  ayaa sheegay inay  Kooxda Liverpool FC diiday inay Laacibka Maxamed Saalax u oggolaadaan inuu Xulka Qarankiisa kala qeyb galo Labada ciyaar ee ku soo wajahan ee Qeybta ka Isreebreebka loogu gudbi doono Tartanka K/Cagta ee Koobka Adduunka ee  dalka Qatar lagu qaban doono sanadka soo socda ee 2022-ka.

Sidoo kale, Laacibka Reer Masar ee Maxamed  Elneny oo u ciyaara Kooxda Arsenal iyo Axmed Xijaas oo Daafaca uga ciyaara Kooxda Al-Itaxaad Sacuudiga ayaa iyagana ka mid noqon doonin Ciyaartoyda Xulka K/Cagta Masar ee ciyaarta Xulalka Angola iyo Gabon la yeelan doonaan.

Xulka K/Cagta Masar waxay dhigooda Angola iyo Gabon la ciyaari doonaan bisha soo socota ee September 2-da iyo 5-da, sida ku cad Jadwalka Tartankaasi.