Madaxweyne Deni oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.