Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug maanta ka qabsoomay kulan looga hadlay xoojinta iyo adkeynta amniga kaa oo ka qabsoomay xarunta Dowlada hoose ee Dhuusamareeb.
Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen qaybaha bulshada Caasimada Galmudug ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow”kuxigeenadisa maamulka,gudoomiyayaasha xaafadaha,saraakiisha hay’ahada amniga Galmudug iyo talisyada saldhiga iyo Nabadsugida Caasimada Galmudug.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd soo bandhigida barnaaminka Darisaynta qoysaska kaa oo ah qorshe loogu talo galay in lagu sugo amniga Caasimada iyo deegaanada hoosyimaada si loola socda dhaq dhaqaaqa kooxaha doonaya inay waxyeeleeyaan amniga logana hortago.



