Dowladda Turkiga oo baaq kasoo saartay xaaladda doorashooyinka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartay waxay walaac ka muujisay is afgarad la’aanta hannaanka doorashada.

Waxa ay sheegeen in taas ay curyaamineyso rajada laga qabo horumarka dalka Soomaaliya iyo gaaritaanka nabad iyo barwaaqo, waxaana ay ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay wadajir isugu yimaadaan ayna xaliyaan muranka u dhaxeeya.

Warka kasoo baxay Safaradda ayaa u qornaa:

Waxaan ka walaacsanahay in is afgarad la aanta ilaa iyo hada ka dhex jirta daneeyayaasha arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya ay carqaladeyso rajada dadka Soomaaliyeed ka qabaan horumarka dalkooda, iyo sidoo kale in la helo nabad iyo barwaaqo.

Mar labaad, waxaan ku martiqaadeynaa Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay isu yimaadaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka wada hadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah oo salka ku haya is afgaradkii la gaaray Sebtember 17, 2020 waxaanan xoojineynaa muhiimadda ay leedahay in la qabto doorashooyinka dib u dhac la’aan.

Waxaan mar kale ku celineynaa taageerada aan siineyno saaxiibtinimada iyo walaalaha Soomaaliyeed iyo Dowlada si looga gudbo ismari waaga sida ugu dhaqsiyaha badan.