Akhriso sida loo kala horeeyo Tartanka Gool-dhalinta Champions League

Dhaliyaha da’da yar ee Erling Haaland ayaa hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana uu saxeexay siddeed g;ool oo laba ka mid ah uu ka dhaliyey Sevilla lugtii hore ee wareegga 16ka.

Kaalinta labaad ayay ku wada jiraan saddexda ciyaartoy ee Alvaro Morata, Neymar iyo Marcus Rashford, hase yeeshee laacibka United ayaa tartanka hadhay oo ay kooxdiisu u degtay Europa League, taas oo ka dhigan inuu ka baxay tartankan.

Alassane Plea oo Borussia Monchengladbach ku hoggaamiyey inay si durduro ah ugu soo gudubto wareegga 16ka, ayaa haysta shan gool, waxaanay isku mid yihiin Olivier Giroud, Ciro Immobile iyo Kylian Mbappe.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ahaa xiddigaha inta ugu badan kusoo guuleysanayay gool dhalinta Champions League sannadihii ugu dambeeyey ayaa kaliya dhaliyey min afar gool, laakiin tartanka ayaan laga saari karin illaa maalinta ugu dambaysa ee uu soo dhamaanayo amaba  ay kooxahoodu ka baxayaan.

Halkan kaga bogo xiddigaha ugu goolasha badan Champions League xili ciyaareedkan:

8 Erling Haaland (Dortmund)
6 Álvaro Morata (Juventus)
6 Marcus Rashford (Manchester United)
6 Neymar (Paris)
5 Alassane Pléa (Mönchengladbach)
5 Olivier Giroud (Chelsea)
Ciro Immobile (Lazio)
5 Kylian Mbappé (Paris)

4 Bruno Fernandes (Manchester United)
4 Youssef En-Nesyri (Sevilla)
4 Cristiano Ronaldo (Juventus)
Diogo Jota (Liverpool)
4 Romelu Lukaku (Inter)
4 Mergim Berisha (Salzburg)
4 Ferran Torres (Manchester City)
4 Karim Benzema (Real Madrid)
4 Lionel Messi (Barcelona)
4 Mohamed Salah (Liverpool).

Xiddigihii kusoo guuleystay gool-dhalinta Champions League 28kii sannadood ee ugu dambeeyey & tirada goolasha ay dhaliyeen:

2019/20: Robert Lewandowski (Bayern) 15
2018/19: Lionel Messi (Barcelona) 12
2017/18: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 15
2016/17: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 12
2015/16: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 16
2014/15: Lionel Messi (Barcelona), Neymar (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 10
2013/14: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 17
2012/13: Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 12
2011/12: Lionel Messi (Barcelona) 14
2010/11: Lionel Messi (Barcelona) 12

2009/10: Lionel Messi (Barcelona) 8
2008/09: Lionel Messi (Barcelona) 9
2007/08: Cristiano Ronaldo (Manchester United) 8
2006/07: Kaká (AC Milan) 10
2005/06: Andriy Shevchenko (AC Milan) 9
2004/05: Ruud van Nistelrooy (Manchester United) 8
2003/04: Fernando Morientes (Monaco) 9
2002/03: Ruud van Nistelrooy (Manchester United) 12
2001/02: Ruud van Nistelrooy (Manchester United) 10
2000/01: Raúl González (Real Madrid) 7

1999/00: Mário Jardel (Porto), Rivaldo (Barcelona), Raúl González (Real Madrid) 10
1998/99: Andriy Shevchenko (Dynamo Kyiv), Dwight Yorke (Manchester United) 8
1997/98: Alessandro Del Piero (Juventus) 10
1996/97: Milinko Pantić (Atlético Madrid) 5
1995/96: Jari Litmanen (Ajax) 9
1994/95: George Weah (Paris Saint-Germain) 7
1993/94: Hristo Stoichkov (Barcelona) 5
1992/93: Franck Sauzée (Marseille) 5