Ciidanka xoogga oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka kumandooska danab ayaa  hawlgallo nabad sugid ah  ka sameeyey deegaanada War ciise,  Maja badan,  Qor dhere, Bulo gannay, ka dheereey iyo kulan oo Dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ururka 7aad  ee Guutada 16aad ee Ciidanka kumandooska danab Dhame Xasan maxamed cisman  oo hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay  in u jeedka hawlgalku u ahaa in Lagu Bur Buriyo Fariisamo  Al-Shabaab deganaakaas.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Shacabka Somaliyeed Ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Si Looga guulaysto Al-Shabaab.

Hawlgalkan ay sameyeen ururka 7aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumandooska Danab ayaa qayb ka ah  hawlgalada guud ee lagu baacsanayo Al-Shabaab sida uu sheegay talisa ciidanka xoogga.