Booliska Moscow ayaa xirey ku dhowaad 100 qof oo banaanbax lagu taageerayey Hugaamiyaha Mucaaradka Alexei Navalny Maanta ka bilaabay Caasimada Dalkaasi Ruushka, sida ay kusoo warantay Wakaalada Wararka ee Reutres.
Maamulka Moscow ayaa sheegay in ilaa 300 oo qof ay ka qeyb qaadanayeen mudaaharaadyo ay ku tilmaameen kuwa aan fasax ka haysan Dowlada Dhexe in ay Bilaabeen.
Hugaamiyahaan Mucaaradka ah ayaa dhawaan kasoo laabtay sumeyn la sheegay in ay dowlada ruushka ku lug lahayd balse waa ay iska Fogeysay Ruushku in wax lug ah ay ku lahayd.



