Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay fuliyeen howlgal sababay khasaaro dhaawac ah iyo mid hantiyadeed.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen degmada Dhahar, iyaga oo ku qabtay Gaari la sheegay in laga soo dhacay dhinaca degaano ka tirsan gobolka Bari.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa israsaaseyn ay dhex-martay Nin la sheegay in uu Gaariga soo dhacay iyo Ciidamada Booliska Puntland, waxaana dhaawac culus uu soo gaaray ninkii gaariga waday, kaas oo la geeyay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Dhahar.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in sidoo kale israsaaseynta uu ku dhaawacmeen mid kamid ah askarta howlgalka ku jirtay, isla markaana gaariga uu soo gaaray bur bur xoogan, kadib markii ay ku dhacday rasaas farabadan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Dhahar ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee dadka degmada ay siweyn u dareemeen is rasaaseynta khasaaraha geysatay ee halkaasi ka dhacday.