SAWIRO:-Ayax farabadan oo ku habsaday degmada Doolow

Ayaxii ugu badnaa ayaa Maanta lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Doolow ee Gobolka gedo, iyada oo sidoo kale uu ku habsaday Beero ku yaal duleedka degmadaas.

Ayaxa oo si raxan raxan ah u socda ayaa ku degay Gudaha degmada Doolow gaar ahaan, Suuqa degmada, badi Xaafadaha iyo Beeraha intaba, waxaana dadka ay saeeyeen dadaalo ay ayaxa uga hortagayen, kaas oo qaarkood ay ku guuleysteen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Doolow ayaa rasaas farabadan ku riday Ayaxa si uu uga cararo dhawaqa halka dadka Shacabka ahna dhankooda ay dadaal xoogan bixinayeen.

“ Subaxnimadii ayaan ku aragnay gudaha degmada ayaxa waan yaabnay, waxaana iskudaynay inay ka hortagno oo aan celino, Hoonka baabuurta iyo garaacista Jaqafyada iyo Caagadaha ayaan u adeegsanaya qaar badana waan ka saarnay degmada yuu yiri” qof kamid ah dadka degmada Doolow.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya ayuu ku habsaday Ayaxa, waxana meelaha ugu daran oo saacadihii la soo dhaafay uu dhibaatada u geystay kamid ah degaano hoostaga Magaalada jowhar & degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.