SAWIRO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa lala eegtay Gaadiid uu watay Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan, balse uu ka badbaaday, waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa ay ku dhinteen askar & dad Shacab ah,waxaana askarta qaraxa ku geeritootay kamid ah Askari Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Qani iyo hal qof oo ahaa wade Mooto Bajaaj halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.

Laamaha ammaanka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaasi, hayeeshee waxaa xusid mudan in halka qaraxa uu ka dhacay dhowr jeer qaraxyo lagula eegtay mas’uul iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in uu si dirqi ah qaraxa uu uga badbaaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan.