Weeraryahanka AC Milan ayaa si murugo leh fariin ugu dirayay taageerayaashiisa inuu ku jiro loolan ka dhanka waqtiga si uu taam ugu noqdo kulanka weyn ee Serie A ee ay Arbacada la ciyaarayaan Juventus.
Si kastaba ha noqotee, fiidiyowga uu soo dhigay baraha bulshada Ibrahimovic wuxuu qalbiga ugu qabojiyay taageerayaashiisa welwelsan.
Tababaraha Milan Stefano Pioli ayaa sidoo kale isla markiiba waxaa lagu soo daadiyay fariimo ka yimid saxafiyiinta kuwasoo weydiinaya hadii weeraryahankiisa ugu fiican uu dhab ahaan taam u noqon karo inuu wajaho kooxda heysata horyaalka.
Xaqiiqdii, halka Ibrahimovic uu ku dhowaad si buuxda uga soo kabsaday dhibaatadii muruqyada ee uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii November, weli rajo kama qabno inuu ka soo muuqdo San Siro ayuu yiri macalinka Milan.
Rabitaanka baahsan ee ah inuu arko isaga oo ciyaaraya wuxuu ahaa mid la fahmi karo, dabcan.
Kulankaan waxaa loogu tala galay inuu noqdo Zlatan vs Cristiano’; dagaal udhaxeeya labo ifafaale goolal dhalis badan kuwaas oo wali diidaya gabowga.
Ronaldo oo 35 jir ah, ayaa dhaliyay 14 gool kaliya 11 kulan oo uu saftay Serie A xilli ciyaareedkan; xitaa si layaableh, 39 jirka Ibrahimovic wuxuu dhaliyay 10 gool kaliya lix kulan oo uu saftay ka hor inta uusan dhaawici gaarin ololihiisa.
ciyaaryahanka reer Sweden laga yaabo inuu garoomada ka maqnaado muddo, Milan oo wajaheysa Juventus ayaa weli ah kuwo horyaalka hogaaminaya.
Si kastaba ha noqotee, qaabkii ay Rossoneri ula tacaashay la’aanta weeraryahankeeda wuxuu hoosta ka xariiqay in ay aheyd wax fiican.