22-ka Bishan oo la hakiyay Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Maalinta Arbacadda ah ee socota Magaalada Muqdisho aysan kasoo degi doonaan wax diyaarado ah.

Wasaarada Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duulimaadyadii imaan jiray Muqdisho la joojiyay 22-ka Bishaan Sababo la xariira Caleema Saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

22-ka Bishaan oo ku beegan Arbacadda soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.