DHAGEYSO: Ciidamada Galmudug oo ka ruqaansaday degaanka Camaara

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug oo ay wehliyaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta ka ruqaansadeen degaanka Camaara ee gobolka Mudug , islamarkaana u ay jiheysteen dhanka degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay halkaasi ay isugu tageen ,islamarkaana ay ka tageen degaanadii ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degaanka Camaara Yuusuf Salaad Muxumed  oo u waramay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay baneeyeen degaanka Camaara , islamarkaana xaalada degaanka ay hadda tahay mid Caadi ah.

Degaanka Wisil ayaa dadka kunool waxaa ay inoo sheegeen in ay soo gaareen ciidamo aad u farabadan oo wata Gadiidka dagaalka.

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay dagaal ay ku dhinteen 10 qof waxaa ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Galmudug ayaa doonaysa in ay qabsato Magaalada Xarardheere oo ay muddo dheer gacanta ku haayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.