Guddigii loo xil saaray Xaqiiqa Raadinta Imtixaankii dowladda oo Muqdisho kulamo ka wadda

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha M.ne Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, Sanad Dugsiyeedka 2019-2020.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Shariif Maxamed Cabdalla.

Guddiggaan ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda ay soo saaraan war ku saabsan sida uu dhacay imtixaankii Sanadkii hore oo arday badan ku dhacday.