Akhriso:- Isku aadka Tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2020

Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir oo sannad kasta mar la qabto ayaa isku aad kiisa la shaaciyay waxaana degmooyinka tartankaasi ciyaari doono lagu soo daray degmada Afgooye oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Waa Markii ugu horreysay oo Tartarka degmooyinka gobolka Banaadir lagu soo daro degmooyin ka baxsan Muqdisho, waxaana sababaha loogu soo daray degmooyinka Afgooye iyo Balcad, waxaana warbaahinta ugu warbixiyay Guddoomiyaha Sportska gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow (Wiish), isagoo tilmaamay in sababta ay tahay is-dhaxgalka bulsho ee ka dhaxeeya degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmooyinka dariska la’ah.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO.