Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in uu bilaabay qorsho uu uga fkirayo in duqeymo dhinaca cirka ah uu ka fuliyo gudaha dalka Kenya, kuwaas oo uu la bartimaameedsanayo Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya gudaha dalkaas.
Afhayeenka guud ee taliska Maraykanka Col. Christopher P. Karns aya sheegay in qorshahoodu uu yahay in culeys Caalami ah ay saaraan Al-Shabaab iyo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah, isla markaana lala socdo dhaq dhaqaaqooda.
Saraakiil Mareykan ah ayaa waxaa laga soo xigtay in dowladda Kenya ay oglaatay in Mareykanka duqeymaha uu la beegsanayo Al-Shabaab ka fulin karo dhulka baadiyaha ah ee Magaalooyinka Garissa iyo Lamu, oo isku xira saldhiga ciidamada cirka ee Manda Bay iyo gobolka xadka la leh Soomaaliya.
Qorshahaan uu Mareykanka ku doonayo in uu Gudaha Kenya ka fuliyo duqeymo uu la beegsanayo Al-Shabaab ayaa yimid, kadib markii Bishii February ee sanadkan, madaxweyne Uhurru Kenyatta booqasho uu ku tagay aqalka cad, uu ka codsaday Madaxweyne Trump in laga caawiyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Mareykanka ayaa waxaa uu duqeymo cirka ah ka fuliyaa degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka soomaaliya, duqeymahaas oo uu sheego in uu ku dlay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, balse khasaaro ay kasoo gaarto dad Shacab ah.