Golaha Shacabka oo berri kulan yeelan doona

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maalinta berito ah kulan ku leh xarruuntooda KMG ah ee Villa Hargeysa.

Agendaha kulanka ayaa ah

  1. Akhrinta 1aad ee Wax Ka Badelka Sharciga Burcad Badeedka
  2. Dib u eegista Miisaaniyadda 2020

Kulan-kaan kii ka horeeyay waxaa lagu balamay in Ajendaha kulanka uu noqdo doorashooyinka laakiin waxaa xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.