Suudaan oo Ciidamo u dirtay gobol dad badan lagu laayay

In ka badan 60 qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay kooxo hubaysani ku qaadeen tuulo ku taal gobolka Darfur ee Wadanka Suudaan.

Dawladdu waxay ku jawaabtay inay dirtay ciidammo nabadgelyo si ay u ilaaliso dadka rayidka una sugto xilli beereedka inta lagu jiro.

Raiisul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Khartoum ay ku tala jirto in ay u dirto ciidamada amaanka gobolka dhibaataysan ee Darfur “si loo ilaaliyo dadka rayidka ah iyo dadka Kujira Tacbashada Beeraha”.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta arrimaha bina-aadamnimada ee Khartuum ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu qayb ka ahaa shilal isdaba-joog ah oo dhacay todobaadii hore isla markaana loo tarjumay gubidda tuulooyinka, guryaha la burburiyay, suuqyada iyo bakhaarada ee Gobolka Daarfuur.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay ku dhawaad 500 oo nin oo hubaysan ayaa weerartay tuulada Mestiri oo 48 kiiloomitir u jirta magaalada Al-Geneina, oo ah caasimada Galbeedka Darfur, halkaas waxaa ku dhintay in ka badan 60 qof, badankoodna waxay ka soo jeedaan qabiilka Masalit, waxayna ku dhaawaceen 60 kale.

Guryo aad u tiro badan oo ku yaal waqooyiga, koonfurta iyo bariga tuulada ayaa la bililiqaystay oo la gubay, badhna suuqa maxalliga ee Dhaqaalaha dowladu kutiirsanyahay ayaa la burburiyay.