(WARBIXIN) Ridistii Xukuumaddii Kheyre muddo kororsi ma u sahli kartaa Farmaajo?

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa aad loo hadal haayay arrimo la xiriira muddo kororsi uu damacsan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana siyaasiyiinta mucaaradka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo saamilyeda ay ku baaqayeen inay doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ay muuqdaan qorshayaal keeni kara inaysan waqtigeeda ku dhici karin doorashada maadaama Dowladda hadda jirta waqtiga u harayna uu yahay mid aad u yar,balse ku adkeysaneysa in la qabanayo doorasho qof iyo Cod ah.

Hadaba ridistii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre muddo kororsi ma u sahli kartaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waqtiga xilheyntiisa ay uga hartay lix bilood iyo 12 Cisho Dhageyso Warbixin iyo Wariye Cabduqaadir Jakaarta.