Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa Covid Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 47 xaaladood oo COVID-19 ah.

Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 19 xaaladood, Maamulka Somaliland 8 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 13 xaaladood, iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay 7 xaaladood.

19 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 47
> Puntland: 19
> Benadir: 13
> Somaliland: 8
> Koonfur Galbeed: 7

> Lab: 42
> Dhedig: 5
> Bogsasho: 15
> Dhimasho: 2
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1,502
> Bogsashada Guud: 178
> Dhimashada Guud: 59