Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 51 qof balse Cudurka laga helay 12 Ruux oo kala ah 11 Rag ah iyo hal Dumar ah.
Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal, Mudug iyo Bari,sidoo kale Cudurka ay ka bogsadeen laba Ruux.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 148 Halka Shan qof ay u geeriyoodeen xanuunka.



