Inta la xaqiijiyay 2 Askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhimatay Qarax ismiidamin oo Caawa ka dhacay meel u dhow Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Otto Otto ee isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay goobta joogeen.
Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo uu waday qof naftiis hure ah ayaa loo adeegsaday Qaraxa.
Gaari ayaa waxaa waday nin isku soo xiray Walxaha Qarxa , waxaana wararka Qaar ay sheegayaan in ciidanka dowladda Soomaaliya ay hakiyeen Gaariga, uuna diiday in uu istaago ka dibna uu ku dhuftay Gaari ay lahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo nuuciisa lagu sheegay Cabdi bile.
Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray , waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyo sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo maraayay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka uu fuliyay Naftiisa hure ka tirsan ciidanka Al-Shabaab


