Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil Shabaab ah

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed s/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u sheegay Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada in howlgalka laga fuliyey Kabtan laas oo ah meel isgoys ah iyo tuulada buulo shiikh oo u dhexeeyso janaale iyo degmada qoryooleey,isla markaana lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan degmada qoryooleey iyo degaanada hoosyimaada iyo 5 Xunood oo kale.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in dadka lagu dilay uu kamid yahay Sarkaal lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen ( Abuu bakar),isla markaana howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan.

Taliyaha ma sheegin khasaaro kasoo gaaray Ciidanka dowladda howlgalka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanka Janaale iyo degmada Qoryooleey,hayeeshee uu sheegay in weli ay howlgallada socdaan.

Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo biixn oo ku aadana in Sarkaal ka tirsanaa looga dilay dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.