Dadka uu ku dhacay Corona Virus ee Soomaaliya oo gaartay 1,219

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay49 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 1,219  oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

13 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 49
> Benadir: 26
> Koonfur Galbeed: 9
> Puntland: 8
> Somaliland: 6

> Lab: 38
> Dhedig: 11
> Bogsasho: 4
> Dhimasho: 0
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1,219
> Bogsashada Guud: 130
> Dhimashada Guud: 52