Taliyaha CXD Dalka oo Sheegay in Ciidanka Badda Soomaaliya ay Howl wanaagsan u hayaan Shacabka iyo Dalka

Munaasabad lagu Maamuusayey 51 sano Guuradii kasoo wareegatay markii la aas aasay ciidanka Badda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Waxaana ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka side ee Dowlada iyo waliba masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Goloyaasha Dowlada.

Waxaana ugu horeyn Goobta Ka HadlayTaliyaha Ciidanka Xooga Dalka soomaliyeed General Maxamed Aadan Axmed waxa uuna sheegay in Ciidanka Bada Soomaaliya ay Howl muhiim ah uhayaan Shacabka iyo Waliba Dalka isagoona sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in lasii tayeeyo Dhamaan Ciidamada Qalabka Soomaaliya.