Ciidanka Xoogga oo heshiis horudhac ah dhexdhigay beello ku dagaallamay Mudug

Taliyaha Qaybta 21-aad ayaa kaga qayb galey Degaano dhaca Galbeedka Gaalkacyo heshiis hordhac ah oo ay gaareen beelo halkaa Ku dagaalamay .

General C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” Taliyaha Qaybta 21-aad iyo ciidamo uu horkacayo oo shalay Ku baxey colaad maalmahaan ka taagneyd degaanada Saaxo Qurun iyo Taaroge ee Galbeedka Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa durbadiiba Ku guuleystay in la kulansiiyo odayaasha labada dhinac ee Dagaalamaya kuwaa oo maantaba isla go’aamiyay in lakala qaado Maleeshiyaadka is horfadhiyo lagana fogaado wax kasta oo keeni kara isku dhacyo dambe .

Go’aankan ay gaareen labada beelood ayaa noqonaya mid ay fulintiisa u taagan yihiin Ciidamada Milatariga ee halkaa gaaray kuwaa oo durbadiiba degaanadaasi ka abuuray jawi nabadeed oo saamaxay in ay is hor fadhiistaan waxgaradka labada beelood ee dagaalamay .

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Qooje ayaa labada dhinacba u sheegey in Ciidamadu diyaar u yihiin ilaalinta nafta iyo maalka shacabka oo ay muhiim tahay in lagala shaqeeyo ka fogaanshaha dhib markale dhaco .