Lionel Messi ayaa daboolka ka qaaday in wiilkiisa Thiago uu si joogto ah uga sheekeeyo lix ciyaaryahan oo uu ku jiro xiddiga ay muddada dheer soo xafiiltameen ee Cristiano Ronaldo.
Thiago oo ay da’diisu tahay toddoba jir, waxa uu si aad ah u xiiseeyaa kubadda cagta, balse waxa uu mar walba si gaar ah uga sheekeeyaa lix ciyaaryahan oo aanu aabbihii ku jirin oo waliba qaarkood uu xafiiltan kala dhexeeyo.
Lionel Messi oo u warramay wargeyska kasoo baxa waddanka Spain ee Mundo Deportivo ayaa waxa uu sheegay in wiilkiisu aanu marnaba illoobin qaabka uu timaha u xiirto Artturo Vidal oo uu mar walba ka hadlo, sidoo kalena labadiisa saaxiib ee Barcelona iyo Luis Suarez iyo Griezmann ay yihiin kuwa aan carrabkiisa ka dhamaanin.
“Wuxuu in badan ka sheekeeyaa Luiz Suarez oo aanu xidhiidhka ugu wanaagsan leenahay, Antoine Girezmann iyo Arturo Vidal tan iyo maalintii ugu horreysay sababtuna waa qaabka uu timaha u xiirto.” Ayuu yidhi Lionel Messi oo magacaabayay saddex ka mid ah lixda ciyaartoy ee wiilkiisa Thiago uu ugu hadal-haynta badan yahay.
Xiddiga reer Argentine oo ka hadlayay ciyaaryahannada kale waxa uu yidhi: “Waxa kale oo uu ka hadlaa ciyaaryahanno dibedda ah, Kylian Mbappe, Cristiano Ronaldo, Neymar.
“Thiago dhamaantood wuu yaqaanaa, waxaanu iga weydiiyaa su’aalo aadna wuu u jecel yahay.”
Thiago waxa uu hadda ka tirsan yahay kooxda da’yarta Barcelona, waxaanu dhowaan dhaliyey gool lagu tilmaamay inuu yahay sida kuwa aabbihii dhaliyo, hase yeeshee sannadkii hore ayuu ka yaabsaday aabbihii Leo Messi oo uu u sheegay waxyaabaha ay tahay inuu xirfaddiisa mucjisada ah ka horumariyo.



