Tala Bixiya Cudurka Covid 19 ee dowladda Soomaaliya Dr. Maxamed Maxamud Cali (Dr. Fuje) ayaa walaac ka muujiyay sidda dhaqsiyaha badan ee Cudurka Covid 19 uu ugu faafayo Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.
Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid 19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.
Waxaa sheegay in Cudurka uu saameyn weyn ku yeeshay shaqaalaha caafimaadka, isla markaana haddii uu cudurku soo rito tiro badan aan loo heyn isbitaallo iyo dhaqaatiir midna.



