SAWIRO: Risaala oo maanta ay ka bilowdeen Barnaamijyada Tartanka Quraanka

Maanta oo Sabti ah kuna beegan Maalinta labaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Idaacadada Risaala ee Magalada Muqdisho waxaa laga daah furay Barnaamijka Tartanka Quraanka Gabdhaha oo Sanad walba ay qabato Idaacadda Risaala ee Magalada muqdisho.

Barnaamijkaas Tartanka Quraanka Gabdhaha ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa kaliya ku tartama Gabdhaha Da’da yar,waxaana Risaala ay noqotay Idaacadii ugu horeysay ee qabata Barnaamijkaan.

Barnaamijka Tartanka Quraanka Gabdhaha waxaa taaba gelinaya oo abaal marino ku bixinaya Shirkadda Waaberi Jumbo Company,waxaana ka qeyb galaya Gabdhaha ay da’dooda ka yar tahay 25 Sano, iyaga oo ku tartamaya 30-ka Juz ee Quraanka Kariimka.

Dhanka kale  Waxaa maanta xarunta Idacaacadda Risaala lagu daahfuray Tartanka Qur’aan Akhriska Caruurta 15-ka Jus oo sanadkan  ay maalgalinayso Shirkadda Amal gaar ahaan qeybta Isgaarsiinta ee Amtel.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho Maxamed Cabdu Wahaab oo dhammaan furay tartamada ayaa u mahadceliyay Shirkaddaha  Amal iyo Waaberi Jumbo Company oo ka mid ah Shirkaddaha maalgalinaya Barnaamijkaan lagu dhiiringalinaayo Carruurta Qur’aanka Xifdisan.

Waxaa uu guul u rajeynayay Carruurta Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya tartanka Qur’aanka, waxaana uu mahadceliyay waalidiintii dadaalka badan kusoo bixiyay.