Ciidanka Booliska oo sheegay in la qabtay Askarigii dadka Shacabka ah ku dilay Boondheere

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askari dad shacab ah xalay ku dilay Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in Askariga uu si bareer ah u toogtay labadda ruux oo kala ahaa haweenay iyo wiil dhalinyaro ah xilli ay fadhiyeen Al-baabka gurigooda oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Jubba.

“Ciidanka Bolsika saldhiga degmada Boondheere waxeey gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan isla Booliiska saldhiga Degmada Boondheere oo xalay laba qof oo shacab ah si bareer ah ugu toogtay isgooska jubo.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska.

Dilka uu geystay Askarigaasi ka tirsan Ciidanka Booliska degmada Boondheere ayaa xalay abuuray Banaanbax ay dhigeen dadka Shacabka ah ee kunool degmada.

Banaanbaxa oo ahaa mid rabshado wata ayaa soo gaaray xilli dambe, ka dib markii dadweynaha ay taayaro ku gubeen iska goyska Jubba.