Xukuumadda Somalia & Hay’adaha Caalamiga oo shir yeeshay

Waxaa maanta qabsoomay shirka hogaaminta iyo ansixinta mashaariicda Cadaaladda Oo ay isku yimaadeen Hay’adaha Bahda Cadaaladda Federaal-ka iyo dhinaca kale Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah kaas oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka.

Shirka waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda XFS Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo madaxda UNDP-Soomaaliya iyo UNSOM madaxa qeybta Cadaaladda iyo Amniga. Waxaa shirka goob joog ahaa deeq bixiye yaasha sida Netherland, Midowga yurub iyo Sweden

Waxaan lagu anisixiyey howl qorsheyntii 2020 oo dib u eegis iyo wax ku dar lagu sameeyey. Sidoo kale waxaa lagu anisixiyey in mashruuca waqtigiisa ku egyahay 2020 laagaarsiiyo 2021 si hakad uusan ugu iman adeegga cadaalladda ee loo hayo umadda soomaaliyee.

Ayadoo lagu jiro maalmihii adkee ee uu aafeeyey caalamka Oo idil Caabuqa COVID-19 waxaa sidoo kale aad looga dooday sida howlaha cadaaladda ee loo hayo bulsho weynta soomaaliya uusan hakat ugu iman Qorshana loo dejiyey sidii adeegga cadaaladda socon lahaa.